Guddoomiayaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federal FEIT Muuse Geelle Yuusuf ayaa ka hadlay maalinta loo asteeyay dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka oo ku aadan 14-ka bisha April 2022-ka, waxaana uu xusay in la diyaariyey goobta dhaartu ka dhacayso.
Guddoomiye geelle ayaa ugu baaqay in xildhibaannada qaatay shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga ah ka hor waqtiga ay yimaadaan, waxaan uu xusay in dalka ay ku gadaaman tahay duruufo badan loona baahan yahay in la samatabixiyo, isagoo sidoo kale baaq u diray xildhibaannada aan qaaday Shaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga.
“Xildhibaannada labada aqal cid waliba aan qaadan Shahaadada, waxaan ka rajaynaynaa in ay yimaadaan oo ay qaataan Shahaadada si ay uga qayb galaan dhaarta, xildhibaannada qaatay shahaadada, iyaga waxaan leenahay in ay ka soo hormaraan maalinta 14-ka oo dhaartu ay qabsoomi doonto, kuwaas oo muddo dhow ku wareegi doona xarumahoodii aqalka sare iyo golaha shacabka, umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa inuu kheyr jiro, inuu wadanku yeelan doono dowlad, inuu wadanku yeelan doono xeer dajiyeyaal” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments