Xoghayeyaasha Labada Aqal oo Fariin Ku Aadan Dhaarinta u Diray Xildhibaannada Cusub Ee Labada Aqal
Xoghayeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya Cabdikariim Xaali Buux iyo Cali Maxamed Jaamac ayaa fariin waxaa ay u direen Sanatarrada iyo xildhibaannada cusub ee la doortay ee lagu wado in barri loo dhaariyo Baarlamaanka 11-aad, waxaana uu ugu baaqeen in xildhibaannada qaatay Shahaadada iyo kaararka aqoonsiga barri ay yimidaan dugsiga tabarka ciidanka Booliiska Jeneral Kaahiye.
Sidoo kale xoghaya golaha shacabka Cabdikariim Xaaji ayaa dhankiisa fariinta golaha shacabka sidaan u dhigay. “Beri hadii ilaahay yiraahdo Xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9:30 aroornimo, Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso.Baabuurtiina iyo askartiina waxaa uga tageysaan barxada Dusiga jeneral Kaahiye” ayuu ku yiri qoraalka.
Goobjoog News