Guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka ayaa sharci darro ku tilmaamay doorashooyinka isbarbar socda ee ka socda magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarreey ee gobalka Gedo.
Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka Maxamed Cawil Warsame, ayaa sheegay in doorashooyinkaas ay yihiin kuwa baal marsan heshiiskii doorashada 17 september 2020.
Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay sidii ay xal waara looga gaari lahaa howlaha doorashada dalka.





From the comments