Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay ka dhacdo doorashada kursi kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle.
Qabanqabaada doorashada kursiga HOP#009, ayaa ka socoto magaalada Jowhar kaas oo saacadaha soo socda ee maanta magaalada lagu dooranayo.
Kursigaan ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah Cabdisataar Cabdisalaan Sheikh Xasan Barsane iyo Cali Xasan Ibraahim.




From the comments