Kenya Oo Safiir iyo Qunsul U Soo Diraysa Soomaaliya iyo Somaliland.
Dowladda Kenya ayaa safiir cusub iyo qunsul u soo magacaawday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa u soo magacabay safiirka cusub ee dalkiisa u fadhin doonna Soomaaliya Maj Gen Thomas Chepkuto, kaas oo baddal u noqon doonno safiirkii hore ee Kenya u fadhiyay dalkeenna Lucas Tumbo.
Tumbo ayaa Soomaaliya loo soo diray 2015-kii, isagoo tan iyo xilligaas ahaa safiirka Kenya u fadhiya dalka Soomaaliya.
Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu soo gaaro ergaygan cusub ee dowladda Kenya u soo magacaawday dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale madaxweynaha Kenya ayaa Soomaaliya u soo magacaabay qunsul cusub oo dalkiisa u fadhiyanayo Soomaaliya.
Benson Mwaliko ayaa loo soo magacaabay in uu noqdo Qunsulka safaaradda Kenya ee Soomaaliya, isagoo fadhigiisa uu noqon doono magaalada Hargeysa.
Tan iyo markii xukunka dalka ay la wareegeen kooxda Farmaajo waxaa xumaaday xiriirka Soomaaliya ay laleedahay dalka Kenya.
Goobjoog News