Senator Timacadde oo Noqday Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Aqalka Sare
xubnaha aqalka sarea ayaa doortay guddoomiye ku-xigeenkii labaad, waxaana doorashadii dhacday oo la isla aaday wareega labaad kusoo baxay Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde, kaas oo 30 kaga adkaaday Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag, oo helay 23 cod, waxaa halaabay hal cod sida uu shaaciyey guddiga.
Kursigaan ayaa waxaa ku tartamay afar musharrax, waxaana wareegii labaad ka tanaasulay Senator Xasan Xuseen Xaaji iyo Senator Ilyaas Badel Gaboose, waxaana wareega labaad u gudbay Senator Cabdullaahi Cali Xersi “Timacadde iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag, waxaana 30 cod ku guulaystay Senator Timacade.
Guddoonka ayaa horay u doortay guddoomiyaha goalaha aqalka sare, waxaana sanadkii labaad kusoo baxay Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana uu ka adkaaday Senator Saalax Axmed Jaamac iyo Senator Cismaan Abuukar Dubbe, halka ku-xigeenka Koowaad kusoo baxay Senator Cali Shacbaan Ibraahi oo ka adkaaday Senator Cabdixakiin Macalin Maalin.
Goobjoog News