Taliayaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xasan Xijaar ayaa ka hadlay halka uu marayo diyaar garowga ciidanka ee dooorashada guddoonka golaha shacabka oo lagu wado in barri ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane, waxaana uu gaashaanka u daruuray in Booliisku diiday xarunta Villa Hargaysa.
“Caawa waxaan usoo jeednaa inaan Teendhada Habeen barkii tagno oo Ciidamo iyo Eeyo baara geyno,liiska dadka imaanaya anaga waxaa noosoo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah ee golaha aqalka hoose iyo aqalka sare iyo xog-hayeyaasha sidii maanta la yeelay,waana been in boolisku u diiday guddoomiyaha KMG ah u diiday Villa Hargeysa iyo Teendhada Afisyooni yaan ummadda la jahwareerin” ayuu yiri xilli uu warbaahinta la hadlayay.
Taliaha ayaa sheegay in xarunta Villa Hargaysa aysan ilaalin ciidamoo ka tirsan Booliiska, waxaana uu carabka ku dhuftay inaan xitaa loo ogoleyn cid waliba in ay tagto, waxaana uu sheegay inaan sababo amniga looga tagin Villa Hargeysa ee guddooka Kumeel gaarka ah ay ka dalbadeen in doorashadu ay ka dhacdo Xalane sida uu yiri.




From the comments