Guddoomiye Cabdirisaaq oo Ka Horyimid Hadal Kasoo Baxay Xubno Ka Tirsan Guddiga
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka golaha shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka horyimid hadal kasoo baxay xubno kamid ah guddiga oo Muqdisho Shir jaraa’id ku qabtay iyaga oo sheegay in xildhibaannada lagu soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaad iyo Garbahaareey in aysan ka qeyb galayniin doorashada.
Guddoomiyaha ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter -ka ayuu ku sheegay in xubnaha shirka qabtay aysan kala tashan tallaabada ay qaadeen, waxaana uu ku sheegay hadalka ay jeediyeen xubnaha guddiga ka tirsan mid marin habaabin ah sida uu hadalka u dhigay, isaga oo xusay inuu isagu leeyahay go’aanka cidda ka qeybgalayso.
“Qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashada golaha shacabka oo aan guddoomiyaha u ahaa ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen iyaga oo aan la igala tashan. Waxa kale oo ay si khaldan u soo bandhigeen ay ku marin habaabiyeen shacabka in aan si gaar ah u leeyahay; kaliya si loo caddeeyo cidda ka qayb-galeysa & ka qayb-qaadashada arrimaha doorashada waa berri” ayuu ku yiri qoraalka uusoo dhigay bartiisa kadib shirka xubna ay qabteen.
“Awoodda guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee golaha wakiillada. Waxaan raaci doonaa oo kaliya & la shaqeynta liiska uu bixiyay afhayeenka ku meel gaarka ah ee HoP ee baarlamaanka. Waxaa nasiib darro ah in xubnaha qaar ay sidaas ugu hooseeyaan si ay u sheegaan xaqiiqda” ayuu ku yiri gabangabadii qoraalkiisa.
Goobjoog News