Iyada oo saacadda ay dhaaftay 2-badii duhurnimo ee xilliga Muqdisho ayaa weli wax ka yar 20% oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ayaa gaaray xarunta ay doorashada ka dhaceyso Afisyooni.
Xildhibaan Jacfar oo ku sugan gudaha hoolka, oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in askar ay hor istaagayaan xildhibaannada si ay usoo gaaraan xarunta doorashada, isaga oo xildhibaannada kale ugu baaqay in aaney arrintaasi dheg jalaq u siin.
Guddoonka KMG ah ee golaha shacabka iyo guddiga loo xilsaaray doorashada guddoonka ayaa gaaray hoolka doorashada, iyada oo shir jaraa’id oo ay qabteen kusheegay in shaqada doorashada ay soconeyso, afurna loo diyaariyey xildhibaannada.




From the comments