Saxiibada Soomaaliya ee Beesha caalamka ayaa war kasoo saaray doorashadii guddoonka Baarlamaanka 11-aad labadiisa gole oo xalay kusoo idlaatay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoo bogaadiyeen xubnaha cusub ee loo doortay guddoonka, waxaana sidoo kale ay direen baaq ku aadan doorashada madaxweynaha.
“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka * waxay soo dhaweeyaan doorashadda Guddoonka Aqalka Sare ee sida wanaagsan u dhacday 26-kii April 2022 iyo Golaha Shacabka 27-28-kii April 2022. Waxaan Hambalyo u diraynaa Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye ku xigeennada cusub ee la doortay mas’uuliyadda muhiimka ah ee saaran xilligan xasaasiga ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay saaxiibada Soomaliya ee beesha caalamka.
Sidoo kale beesha caalamka ayaa ka hadashay guddoonka golaha shacabka oo xalay kusoo idlaatay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho “Kadib dib u dhac weyn oo ku yimid soo xulista xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa guulo la taaban karo kasoo hooyay doorashada gudoomiyaha baarlamaanka. Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee gacan ka geystay dhameystirka doorashada baarlamaanka” ayaa lagu yiri.




From the comments