Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay yeeshaan kulankoodii ugu horeyay kadib doorashadii guddoonka golaha shacabka.
Mudanayaasha ayaa xalay loo diray farriimo ku aadddan in ay soo xaadiraan kulanka maanta oo uu ajendahiisu yahay xilwareejinta guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka iyo khudbadaha xubnaha gudoonka cusub.
Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa dhawaan doortay guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku-xigeen.




From the comments