Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde.
Soo dhoweyntiisa ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubnaha labada gole ee Baarlamaanka ee laga soo doortay Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale, Maxamuud ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay gudaha caasimadda.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa Jubbaland ku matali doona dhammaystirka doorashada dalka oo dhowaan la filaayo qabsoomidda doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka oo Muqdisho ka dhici doonta.




From the comments