Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaaray maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana sidiiran loogu soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde, xildhibaanno ka kala tirsan labada gole ee Baarlamaanka , mas’uuliyiin dowladda ah iyo bulshada ayaa wax kasoo dhoweeyay.
Axmed Madoobe ayaa ujeedka safarkiisa waxaa uu ku qotomaa sidii uu qeyb uga noqon lahaa dhammaystirka doorashada, waxaana socdaalkiisa ku wehlinaayay guddoomiyaha golaha wakiillada Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, xubno katirsan labada golle ee dowlad goboleedka Jubaland iyo mas’uuliyiin kale.
Madoobe ayaa dhankiisa waxaa uu ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loogu sameeyay Garoonka Aadan Cadde, waxaana uu ku biirayaa madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Hirshabeelle oo iyana ku sugan Muqdisho, waxaa dhowaan la filayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.















From the comments