Dr.Cabdinuur Sheekh Maxamed oo Qaatay Shahaadad Musharraxnimo
Sheeko:Baarlamaanka
Musharrax Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa maanta wuxuu guddiga doorashada uu siiyay shahaadada muujinaysa musharraxnimadiisa iyo inuu kasoo baxay shuruudaha.
Dr. Cabdinuur oo soo gaaray dhowaan caasimadda ayaa qeyb ka ah musharraxiin dhowr ah oo mid waliba rabo inuu ku guulaysto xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuurioyadda federalka Soomaaliya oo 15-ka dhacayso.
Guddiga doorashada ayaa horay u soo saaray jadwalka iyo shuruudaha laga rabo inuu soo buuxiyo musharrax kasta oo doonaya inuu u tartamo xilka ugu sareeya dalka ee madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuritadda federalka.
Goobjoog News