Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle Oo Muqdisho Ku Kulmay
Sheeko:Baarlamaanka
Guddoomiyayaasha golaha wakiilada maamulada Galmudug, Jubbaland iyo Hirshabeelle oo muddooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa yeeshay kulama gaar ah oo looga hadlayay xaaladda siyaasadda dalka.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ahaa Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle, Dr Maxamed Axmed Gacal oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan guddomiyaha baarlamaanka Jubbaland.
Mas’uuliyiintaan ayaa kawada hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha saddexda maamul iyo sidii dalka looga samata bixin lahaa xaaladda uu ku jiro.