U bood dhigaalka

Iran Oo Laba Jibaaraysa Saliidda Dunida Ay U Dhoofiso

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Iraan Ebrahim Raisi, ayaa sheegay in dalkiisa uu kordhin doono saliidda ceyriinka ah ee dibadda uu u dhoofiyo marka la gaaro bisha August oo uu la wareegayo talada dalka.

Raisi ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay sara u qaadista saliidda cayriinka ah ee uu dibadda u iib geeyo, xilli Tehran ay saaran tahay cunaqabataynta maraykanka.

Madaxweyne Raisi ayaa hadalkaan ka sheegay mar uu waraysi uu siinayay talafishinka dowladda Iran, waxana madaxweynaha uu balan qaaday in dalkiisa uu ka faa’idaysan doono hoos u dhaca saliidda ee suuqyada caalamka.

Suuqyada caalamiga ah ee dunida ayaa wajahaya hoos u dhaca balaaran oo ku saabsan cadadka saliidda cayriinka ah ee caalamka kadib markii maraykanka iyo reer galbeedka ay cunaqabatenyno dusha ka sureen dalka Ruushka.

Ruushka ayaa inta badan soo saara saliidda cayriinka ee dunida iyo yurub loo iibgeeyo, waxaana dhamaan ruushka uu jaray saliidda dunida uu siiyo kadib markii reer galbeedka cunaqabatayn ku soo rogeen xukuumadda Moscow.

Cunaqabataynta ruushka lagu soo rogay ayaa timid kadib markii Moscow ay duullaan ku qaadday Kyiv bishii February dhanmaadkeedii.

Tehraan ayaa u muuqata mid dooneysa in ay ka faa’ideysato isku dhaca dalalka reer galbeedka si ay saliideeda suuq ugu hesho.

Goobjoog News