Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho kula kulmay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sacdiyo Yaasiin Xaaji.
Kulanka ayaa waxaa inta badan looga hadlay u diyaar garowga doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maalmo kooban ka harsan tahay waqtiga loo asteeyay doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Labada Aqal u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday, waxaana lagu 15-ka May in Baarlamaanku doorto madaxweynaha dalka.




From the comments