Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan maanta loo doortay madaxweynaha dowladda iskutagga Imaaraadka Carabta, kadib geeridii ku timid madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, Alnahyaan ayaa muddo ahaa Dhaxal suge.
Wakaaladda wararka ee WAM ayaa warisay in Sheikh Mohamed ay doorteen Golaha Sare ee Federaalka, waxaana uu noqon doonaa hoggaamiyaha dalkan hodanka ku ah saliidda ee sanadkii 1971-kii uu aabihiis aas-aasay.
Sheikh Mohamed, oo ku magac dheer ‘MBZ’ ayaa la kulmay xubnaha Golaha Sare ee Federaalka oo ka kooban madaxda toddobada imaaradood ee dalkaasi, xilli uu dalkaasi galay baroordiiq loo sameynayo Sheikh Khalifa.




From the comments