Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay dhul ommos ah oo ay abaari engejisay oo uu roob mahiigaan ahi helay. Waxa uu jacaylku iiga dhigan yahay hooyo madhasho ah iyo aabbe gablan ah oo uu Eebbe-Weyne wiil ku mannaystay. Wiil sidii Yaxye nebi ah. Wiil ay iska dhaleen nebi Sakariyihii da’da ahaa iyo haweenaydiisii madhashada ahayd.
Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay ruux indhoolanimo ku weynaaday oo uu arag oo dhan ka baynuunay, in uu waagii danbe ku ka la indho qaado isaga oo dhinac jiifa ooridiisa quruxda loo dhammeeyay ee aanu marna indhaha ka qaadin noloshiisa oo dhan. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay Yooniskii saddexda mugdi gudahood looga gargaaray ee uu Eebbe-Weyne ducadiisa aqbalay.
Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midkii nebi Yacquub indhaha tiray sidii uu ugu ilmaynayay wiilkiisii nebiga ahaa ee Yuusuf. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midkii uu nebi Aadan u qabay wiilkiisii Haabiil. Jacaylku waxa uu iiga dhigan yahay midkii nebi Maxamed u qabay saxaabigii jaliilka ahaa ee Abuubakar iyo midkii uu Nebigu u sheeganayay Mucaad ee uu ku lahaa, “Allaan ku dhaartaye, Mucaadow, waan ku jeclahay.”




From the comments