Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada xukuumadda federalka ah, golaha ayaa hombalyo u diray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya madane Xasan Shiikh Maxamuud.
Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale shirkooda maanta dhacay ku ansixiyay hindise shacyeedyo kala ah Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.
Ra’iisulwasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay usoo duceeyaan madaxweynaha cusub ee dalka oo dhowaan la doortay in Eebe ku asturo mas’uuliyadda loo idmaday, waxaana dhanka kale uu u madadceliyay madaxweynihii hore dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.




From the comments