Waqtiga Xilwareejinta Madaxweynaha oo Lagu Dhawaaqay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta markale kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.
Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.
Guddiga Qabanqaabada ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynahii 9-aad ee Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad Xasan Sheekh Maxamuud.
Goobjoog News