U bood dhigaalka

Ururuka Xamaas Ee Falastiin oo Ka Hadlay Doorashadii Maxaweyne Xasan Shiikh

Madax siyaasadda ururka Xamaas ee reer Falastiin Ismaaciil Haniya ayaa ka hadlay guushii doorasho ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo markii labaad Baarlamaanku u doortay hoggaaminta Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, Ismaaciil  ayaa sheegay in ururkooda iyo dhammaan shacabka Falastiin hambalyo iyo duco u dirayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda.

“Farxad ayey u tahay dhaq-dhaqaaqa Xamaas iyo guud ahaan shacabka reer Falastiin in aan idiin soo gudbino hambalyo diirran iyo duco ku aaddan munaasabaddan farxadda leh ee lagu doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay idinku aamineen” ayuu yiri madaxa siyaasadda ururka Xamaas ee reer Falastiin.

Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan uu yahay shakhsi ka bixin kara Soomaaliya dhibaatooyinnka iyo khataraha kusoo wajahan””Waxaan kuu rajeyneynaa inaad ku sii guuleysato u adeegidda dadkaaga iyo dalkaaga, iyo arrimaha waaweyn ee Ummaddeed oo ay ugu horreyso arrinta Falastiin.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ismaaciil Haniya.

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa 15-kii May waxaa loo doortay inuu markale uu hoggaamiyo Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, caalaamka ayaa soo dhoweyn u muujiyay madaxweyne Xasan ayaa waxuu  horay ololihiisii ku xusay inuu doonayo Soomaaliya oo heshiis ah dhexdeeda Adduunkana heshiis la, ah.

Goobjoog News