Horumarinta Dhismaha Goleyaasha Deegaannada Galmudug oo Laga Shiray
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan kula qaatay Aqalka Madaxtooyada Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib uheshiisiinta, Wasiirka Maaliyadda, Taliyaasha Ciidamada, Gudoomiyeyaashada Gobollada Mudug iyo Galgaduud iyo qaar kamid ah maamulada degmooyinka Galmudug.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qorshaha sanadlaha ee kobcinta dowladaha hoose, horumarka laga sameeyay dowladaha hoose iyo sidii loo dhamaystiri lahaa adeegyada dadweynaha loona gaarsiin lahaa shacabka Galmudug, kadib safar shaqo uu maalmo ku joogay Muqdisho madaxweyne Qoorqoor.
Madaxweynaha ayaa ugu danbayna kula dardaarmay Wasaaradda Arimaha Gudaha in ay xoojiso dadaalada loogu jiro fulinta qorshaha horyaalla Wasaaradda oo ay ugu horayso dhamaystirka golayaashaa deegaanka oo laga sameynayo maalooyinka Galmudug, maamulka ayaa ku guulaystay dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo.
Goobjoog News