Goobjoog

Iran Oo Qabsatay Markab Laga Leeyahay Gariigga

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada Iran ayaa lagu soo qabtay markab laga leeyahay dalka Gariigga kaas oo siday shidaal, xilli uu marayay biyaha Iran. Ciidamada kacaanka Iran ayaa howlgalkaan…

Iran Oo Qabsatay Markab Laga Leeyahay Gariigga
The Greek-flagged oil tanker Prudent Warrior, background, is seen as it sails past Istanbul, Turkey, April 19, 2019. Iran’s paramilitary Revolutionary Guard seized two Greek oil tankers on Friday, May 27, 2022, in helicopter-launched raids in the Persian Gulf, according to officials. The actions were an apparent retaliation for Athens assisting the U.S. in seizing Iranian crude oil in the Mediterranean Sea over violating Washington’s crushing sanctions on the Islamic Republic. (Dursun Çam via AP)

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada Iran ayaa lagu soo qabtay markab laga leeyahay dalka Gariigga kaas oo siday shidaal, xilli uu marayay biyaha Iran.

Ciidamada kacaanka Iran ayaa howlgalkaan ka fuliyay gacanka Faaris, waxaana gacanta ay ku soo dhigeen markab siday shidaal, kaas oo laga leeyahay dalka Gariigga.

Dowladda Iran oo war ka soo saartay howlgalka ay ciidamadeeda ka fuliyeen gacanka Faaris, ayaa sheegay in loo adeegsaday diyaaradaha qumaatia u kaco ee ciidamada cirka Iran.

Markabka ayaa la sheegay in uu waday saliid cayriin ah, kuwaas oo loo waday dalalka ku teedsan qaaradda Yurub.

Sikastaba dhawaan ayay ahayd markii dowladda Iran ay sheegtay in ay kordhinayso saliidda cayriinka ah ee ay u iibgeyso dowladaha Yurub.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments