Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqayn ciidamada Maraykanka ay ka fuliyeen deegaan hoostaga gobalka Jubbada Hoose.
Duqaynta oo Maraykanka uu u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lala beegsaday fariisimo ay al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Beer-xaani ee gobalka Jubbada Hoose, sida ay xaqiijisay dowladda Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay Maraykanka ayaa duqayntaan ku dilay shan kamid ah dagaalamayaasha al-shabaab oo ku sugna deegaanka Beer-xaani.




From the comments