Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo israsaaseyn u dhaxeyso ciidamada dowladda iyo koox hubaysan oo xalay xilli dambe ku dhexmaray agagaarka bar kontorool oo ay ku hubiyaan Gaadiidka oo ku taal Masjidka loo yaqaan Turkiga.
Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii koox hubaysan ay weerar ku qaadday bar koontarool oo ciidamada ay ku sugnaayeen, waxaana halkaas ka dhashay khasaaro kala duwan.
Inta la xaqiijiyay israsaaseynta ayaa waxaa ku geeriyooday hal, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray askari ka tirsan ciidamada dowladda.



From the comments