Dowladda Congo ayaa dhiggeedda Rwanda waxa ay ku eedeysay in ay duullaan ku soo qaaday goballo ka tirsan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Congo ayaa sheegay in ciidamada Rwanda ay weerar ku soo qaadeen, kadib ay magaalada Bunagana ee gobalka North Kivu ay la wareegeen kooxda fallaagada ah ee M23, taas oo ay taageerto dowaldda Rwanda.
Fallaagada M23, ayaa ah kooxda jabhad ah oo ka dagaalanta gudaha dalka Congo, waxaana hadda ay dowladda Congo ay kala wareegeen magaalada Bunagana ee gobalka North Kivu.




From the comments