Wararka naga soo gaarayo magaalada Qardho ee waqooyiga gobalka Bari ee deeganada Puntland ayaa sheegaya in kooxa cabtooy ah ay magaalada ku dileen taliyihii saldhigga booliiska Qardho.
Dilka taliyaha ayaa yimid subaxnimadii hore ee saaka xilli uu ku jiray howlgal ka dhan ah kooxa muqaadaraadka isticmaala ee ku sugan degmada Qardho.
Taliyaha la dilay ayaa lagu magacaaba Cumar Hiiraad Kaatuun, waxaana uu ahaa taliyihii saldhigga booliiska ciidamada Puntland ee magaalada Qardho.




From the comments