Baxdo oo Soo Bandhigtay Hubkii Al-shabaab ay Ka Furteen iyo Maxaabiis
Sheeko:Arrimaha Amniga
Maamulka degaanka Baxdo ee Bariga gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubno la sheegay in Al-shabaab looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay, saanad ciidan oo lagu furtay dagaalka iyo maxaabiis nool.
Saraakiishu waxay sheegeen in maydadka lasoo bandhigay ay gaarayaan 70 dagaalame waxaana raga la dilay ku jira xubno ajaanib ah sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha, iyaga oo intaas ku daray in dagaalkii shalay sidoo kale nolosha lagu qabtay oo maanta fagaaraha Baxdo lagu soo bandhigay nin waday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa.
Magaalada Baxdo oo shalay dagaal ka dhacay ayaa Sidoo kale ugu yaraan 42 arday oo degaanka Baxdo ku dhameysatay waxbarashada dugsiga sare ayaa maanta u fariisatay deegaankaas kimtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, guddoomiyaha degaankaas Maxamed Cabdullahi ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in haatan wax cabsi ah aysan ka jirin Baxdo.
Goobjoog News