Galmudug oo Deeq Gaarsiiyay Ciidankii Alshabaab Kula Dagaalamay Baxdo
Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Maxamed “Geedaqorow”oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Wasiiro ka mida Xukumadda Galmudug, ayaa maanta gaaray Baxdo ee Bariga Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.
Magaalada oo shalay uu ka dhacay dagaal ay kooxda Al-shabaab soo weeraray deegaanka iyo ciidanka xooga oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa mas’uuliyiinta gaaray waxaa ay gaarsiiyeen deeq kale duwan oo ay ugu talo galeen ciidanka iyo dadka dagaalka qeyb galay, deeqda ayaa aheyd Raashin iyo Neefaf Geel ah oo gaaray 7 Neef.
Guddoomiye Geedaqorow iyo Madaxda kale ayaa amaan u jeediyay ciidanka xooga dalka iyo dadka deegaanka oo guul ka gaaray dagaalkii dhacay, waxaana dagaalkii shalay Galmudug ay sheegtay in lagu dilay 70 dagaalame oo Shabaab ah,iyadoo lasoo bandhigay sidoo kale Hub lagu furtay iyo Darawal waday gaari lagu soo raray walxaha qarxa.
Goobjoog News