Munaasabadda xuska Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Dalalka Geeska Africa oo todobaadkii lasoo dhaafay ka socotay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lasoo geba-gebeeyey, waxaana si rasmi ah uga qayb galay mar kale Diblomaasiyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ethiopia, iyagoo si rasmi ah u metelayay shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.
Munaasabadda waxaa sidoo kale kaalin mug weyn ku lahaa kooxda Anshax Band oo kamid ah kooxaha Fanka iyo Wacyigelinta bulshada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyagoo soo bandhigay dhaqanka, farshaxanka iyo suugaanta kala duwan ee u gaarka ah bulshooyinka Soomaaliyeed.
Intii ay munaasabaddu socotay Soomaaliya waxa ay muujisay metelaad dhab ah, waxaana arrimahaas si weyn uga shaqeeyey Diblomaasiyiinta kala duwan ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia, iyagoo si buuxda u kaashanaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.
















From the comments