Golaha Shacabka oo Kalsooni Siiyay Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre
Sheeko:Baarlamaanka
Xildhibaannada golaha shacabka ayaa codka kalsoonida ah siiyay ra’iisulwasaaraha cusub ee dalka Xamsa Cabdi Barre, kaas oo maanta hortagay golaha shacabka.
Kulan ay maanta xarunta villa Hargeysa ay isugu yimaadeen mudanayaasha golaha shacabka, ayaa cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay Ra’iisulwasaare Xamsa.
220 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay ayaa waxaa dhamaantood ay cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen ra’iisulwasaaraha , waxaana ra’iisulwasaraaha cusub xildhibaannada hortooda ku dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare.
Goobjoog News