Ruushka ayaa markii ugu horeysay muddo qarni ku dhow iska bixin waayey deynta lacagaha qalaad ee lagu leeyahay, isniintii shalay ayuu ku ekaa waqtigaa loo ogolaa in Ruushku ku bixiyo ilaa $100 milyan oo dulsaar ah taas laga doonayay inuu ugu dambeyn ku bixyo 27-may, dhacdadan oo suuqyada caalamiga looga arko mid aan ufiicneyn Moscow.
■Falisaadda.
Dhaqaalaha caalamiga ah, musalifnimada waxa lagu qeexaa in “waddan gaar ahi aanu awoodin in uu iska bixiyo deymaha lagu leeyahay” Taas oo ah mid saamayn taban ku yeelanaysa qiimayntiisa suuqyada caalmiga ah, kana dhigaysa mid aad u adag in uu dalkaasi daymo cusub ka helo suuqyada caalamiga ah, dalalka waaweyn ayaana arinkan Aanu suuragal ka ahayn oo dhaqaalahooda ayaa ah mid adag oo si fudud aanan jilbaha dhulka loo dhigi karin.




From the comments