Goobjoog

Ciidanka Xoogga oo Howlgallo Ka Sameeyay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay degmada Owdhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose, iyaga oo sheegay in ay ku burburiyeen fariisimo Al-Shabaab…

Ciidanka Xoogga oo Howlgallo Ka Sameeyay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Hoose
Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay degmada Owdhiigle ee gobolka Shabeellaha hoose, iyaga oo sheegay in ay ku burburiyeen fariisimo  Al-Shabaab ay ku lahayeen degaanno hoostaga degmadda.
Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada 17-aad ee Kumaandooska Gor-gor Gaashaanle dhexe  Dayax Cabdi Cabdulle, waxaana uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, iyadoo ciidanku ay ku gaareen deegaanno hoos u dhow degmada oo ay ku sugnaayeen Alshabaab.
CiidankaGor-gor, ayaa waxa ayaa  howlgalka ku gaaray  degaannada kala ah Shaam-gare,tawakal iyo nuucaanaay oo hoostaga dhammaantood degmadda Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha  hoose, ciidanka ayaa muddooyinkii dambe gobolka ka waday howlgallo amni xaqiijin ah.
Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments