Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta oo Axad ah u safro magaalada Ankara, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Turkiga.
Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, safarka Madaxweyne Maxamuud oo qaadan doona muddo saddex maalmood ah, waxana madaxweynaha uu la kulmi doonaa Madaxweyne Erdogan iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu inta uu ku sugan yahay Ankara in uu kala hadlo mas’uuliyiinteeda sidii loo xoojin lahaa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.




From the comments