Bankiyo Caalami ah oo Shatiyo Shaqo Ka Helay Soomaaliya
Qoraal kasoo baxay bankiga dhexe ee dowladda federalka ayaa waxaa lagu sheegay in Shatti shaqo Bankigu siiyay laba Banki oo caalami ah, kuwaas oo dhwaan ka shaqo bilaabi doona Soomaaliya, waxaana laga leeyahay dalalka Turkiga iyo Masar, kuwaas oo xiriir dhow la leh dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
Labadaan Banki ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Banque Misr iyo Ziraat Katilim, waxaana qoraalka kasoo baxay guddiga Bankiga dhexe lagu xusay in ay soo buuxiyeen shuruudihii laga rabay, waxaana ay xarumo ka furan karaan gudaha dalka iyaga oo ka howl gali kara, iyagoo noqonaya kuwii ugu horeeyay.
“Guddiga Bankiga Dhexe wuxuu go’aamiyey in labada Banki ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shityada, waxanaa la ansixiyey codsiyadooda. Labada Banki waxay hadda laamo ka furan karaan kana howlgali karaan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Bankiga dhexe.
Labadaan Banki waa kuwii ugu horeeyay oo caalami ah dalka soo gala tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe, waxaana Bankiga dhexe ee dowladda uu sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan kobaca dhaqaalaha dalka iyo hormarka qeybaha kale maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya.
Goobjoog News