Mareykanka: Siyaasaddeena Soomaaliya Waa Mid la Mid ah 62-kii Sannadood Ee Ugu Dambeeyay”
Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Edward André Jr oo ka hadlayay siyaasadda Mareykanka ee ku aadan Soomaaliya, kadib soo doorashadii madaxweyne Xasan ayaa sheegay in siyaasadda dowladdiisa ay tahay mid qura, waxaana uu soo hadal qaaday qadyadda Somaliland iyo waxa dowladdiisa ay ka damacsan tahay.
Safiir Larry oo ka qeyb galayay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo lagu xusayay xuska 1Luulyo ayaa xusay in dowladdiisa Soomaaliya ay ka aaminsan tahay sidii ay aheyd 62-kii sano ee lasoo dhaafay ee xorta ay aheyd, isaga oo intaas raaciyay in Soomaaliya hal xuduud iyo hal taariikh ay leedahay.
“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry Edward André Jr.
Hadalka kasoo baxay safiirka dowladda Mareykanka ayaa waxaa uu caqabad ku noqon karaa dadaallada Somaliland ay ugu jirto in ay noqoto dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, waxaana xusid mudan in dhowaan madaxweyne Muuse Biixi uu tagay Mareykanka oo qeyb ka ah dadaalka ay ugu jiraan aqoonsi caalami ah.
Goobjoog News