Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan dalka Djibouti ayaa habeenkii xalay kaga qeyb galay kulan lagu maamuusayay madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareysa dalka.
Xasan Shiikh ayaa lagu wadaa inuu madaxda Djibouti kala hadlo xoojinta xirirrirka u dhaxeeya, iskaashiga dhanka amniga iyo dhaqaalaha, maadaama Jabuuti ay kamid tahay wadamada ciidankoodu ay joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ciidamada dowladda ka gacansiiya sugidda nabadda iyo la dagaalanka Al-shabaab.
Maxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maadaxweynaha Jamhuuriyadda guddoonsiiyay biladda ugu sareysa dowladdaas ay bixiso iyo sidoo kale shahaado sharaf, taas madaxweynuhu ku muujinaayay sida dowladdiisu ug garab taagan tahay dowladda Soomaaliya iyo Xasan Shiikh Maxanuud.
















From the comments