Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Eedeymaha Xisbiyada Mucaaradka
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka u sharraxay ujeeddada ay salka ku hayso cabashada kasoo yeedhaysa axsaabta mucaaridka ah ee ku saabsan hirgelinta doorashooyinka madaxweynaha, waxaana dhowr jeer fashilmay isku day lagu doonayay in heshiis looga gaaro.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasibad ay ku qalinjebiyeen dufcaddii Afraad ee shaqo qaran, ayaa ugu horrayn bulshada usoo jeediyey inaanay dhib weyn u arkin buuqa siyaasadeed ee taagan, shaqada xisbiyaduna tahay dood iyo kala jiidashada shacabka, isaga oo axsaabtana ugu baaqay inaanay marnaba ka tegin milgaha iyo sharafta qaranka.
“Shacaboow mid ogaada, yaan laga sasin buuqa iyo muranka asxaabta, waana meel talo lagu wadaagayo oo ra’yiyo kala duwan baa la isla jiidhayaa, laakiin ma aha meel lagu ducaysto oo masaajidka oo kale ah, doodda xisbiyada iyo muranka xisbiyadu waa xaq dastoori ah, waana waxa aynu u abuurannahaye waa inaynu aqbalnaa, xisbiyada, ururrada imika la bilaabayo iyo kuwa iman doonaba waxa waajib ku ah waar si cadownimo ahna aynu u doodno oo arrinta halka la iska tusayo hallayska tuso, si walaaltinnimo ahnu aynu dalka u dhisanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynuha oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri ,“Haddii ay dooddu inaga gasho waxaan doonayo oo aan helo mooyaane waan duminayaa, taas diintuna ma oggola dastuurkuna ma oggola, sharcigana ma oggola oo doon baynu wada saarannahay, markaa waa laga qabanayaa qarankaa ka qabanaya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah uga hadlay doodaha axsaabta mucaaridku aaminsan yihiin iyo sida ay qodobada ay cuskanayaan u jaban yihiin, isaga oo caddeeyey in sharciyadda dalka iyo go’aamadii maxkamadda sare soo saartay aan dhannaba loo dhaafi Karin.
,“Xisbiyada mucaaridku waxay fagaaraha ka sheegaan oo ay diiddan yihiin, saddex qodob oo aannu isla oggollahay ayey mid walba cillad daba dhigaan. Waxay yidhaahdeen tobankii sanno ee xisbiyadu furmayeen waa sharci, maxkamadduna way xukuntay oo aannu oggolnahay, laakiin doorashada ma geli karaane saddexda xisbi uun baa doorashada gelaya, ilaa Baarlamaanku sharci cusub soo saarayo, aniguna taas waxan idhi sharci uma hayo oo maxkamaddu wixii ay ina fartay uun baan fuliyaa, Kow iyo toban xaakin oo maxkamadda sare ahi wixii ay gooyeen anigu farogelin kari maayee walaalladay waxa u furan inay maxkamaddii ku noqdaan oo ay weydiistaan inay u sharraxdo, wixii ay maxkamaddu isoo farto uun baan anigu fulinayaaye.” ayuu yiri.
“Qodobka labaad ee aanu isku haynaa waxa weeye doorashadii madaxweynaha waqtigeedii halla qabto, yaase diiddan, in doorashadii madaxweynaha waqtigeedii la qabtana waxa muddayn kara Komishanka doorashooyinka, guddidii doorashooyinka oo dhexdooda khilaaf ka yimi oo shaqadii ka wada tagtayna degdeg baan usoo magacaabay, waxana aan u diray Baarlamaanka, labada xisbi ee mucaaridka ah baan ugu badan golaha, saddex buu Baarlamaanku diiday, saddexdabana cidda diidday waxay ahaayeen xisbiyada mucaaridka ah.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Muuse Biixi.
Ugu dambeyn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu mucaaridka ugu baaqay inay fasaxaan xubnaha Komishanka doorashooyinka ah ee ay xildhibaannadoodu soo celiyeen, si loo dardargeliyo doorashooyinka, maaddaama oo ay komishanku udub-dhexaad u yihiin dhammaanba doorashooyinka dalka, waxana uu yidhi,“Haddii ay xisbiyada mucaaridka ah ka dhab tahay in la muddeeyo doorashada madaxtooyada, ciddii doorashada qaban lahaydna waan haysanayaa, doorashadii in la muddeeyona waan rabaa isma qabatee hasoo daayaan saddexdii xubnood, dabadeedna guddida doorashooyinku ha inoo muddeeyaan, wax kale oo aynu isku haysanaa iima muuqatee” ayuu ku yiri gabagabadii hadalkiisa.
Goobjoog News