Ra’iisulwaasare Xamse oo Guddoomiyay kulanka Iskaashiga Soomaaliya iyo Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku shir-guddoomiyey kulan ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ammmaanka dalka iyo la-dagaallanka argagaxisada, oo uu la qaatay wakiillo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirka, ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika sida naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgalaya dalka tan iyo sanadkii 2007 oo ay taageerayeen ciidamada dowladda oo dagaal kula jiray Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaare xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah.
Xamse waxa uu xusay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta argagaxisada.
Safiirka Djibouti ee Addis Ababa, Cabdi Maxamuud Heybe, oo hoggaaminayay xubnaha ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in ay la garab taagan yihiin xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Goobjoog News