Waxaa wali socda dagaal u dhaxeeya ciidanka Lyu Police iyo Al-shabaab, kadib markii xoogag ka tirsan Al-shaab ay weerar ku qaadeen xeryo ay ciidankaan ku leeyihiin deegaannada Yeed iyo Aato oo gobolka Bokool ka tirsan, iyagoo markii dambe gudaha u galay dowlad deegaanka Soomaalida.
Al-shabaab ayaa baraha bulshada ay isticmaalaan waxaa ay ku faafiyeen in dagaalkii shalay dhacay ay ku dileen in ka badan 80 askari oo ka tirsan Lyu Police, goobihii lagu dagaalamay ayaa waxaa isaga qaxay dadkii deegaanka, wararku waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ay gudaha u galeen xadka labada dal, kadib dagaalka.
Ciidanka Lyu Police-ka ayaa dhankooda sheegtay in Al-shabaabkii gudaha u galay dowlad deegaanka ay ku hareeraysan yihiin ciidankooda, deegaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer, Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo socday muddo ku dhow labo cisho.




From the comments