Golaha ammaanka dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in ay soo afjareen dagaalkii u dhaxeeyay liyu Police iyo Al-shabaab, kaas oo socday muddo afar maalin ah, kadib Khamiistii uu ka qarxay xadka labada dal, golaha oo war-murtiyeed soo saaray ku sheegay in xooggagii Al-shabaabkii weeraray ay u geysteen khasaare xoogan sida lagu yiri.
Golaha ayaa sidoo kale war-murtiyeedka ku xusay in ka badan 100 ruux oo Al-shabaab ah lagu dilay dagaalkii dhacay ee u dhaxeeyay labada dhinac, kadib markii Alshabaab ay gudaha u galeen deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana ay maqaalkooda lagu sheegay in Shabaabku ay doonayeen in ay galaan deegaanno ka tirsan gobolka Oromada ee Itoobiya.
“Waxaa la soo afjaray kooxdii Argigixisada Al-Shabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba dhammaan Argigixisadii naf la caariga aheyd” ayaa sidoo kale lagu yiri warsaxaafadeedka golaha DDS.




From the comments