Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in dagaalkii ka dhacay gudaha dalkaas ee u dhaxeeyay ciidanka Liyuu Police iyo kuwa federalka oo iskaashanaya iyo Al-shabaab lagu dilay Fu’aad Maxamed Qaliif iyo horjoogayaal kale oo ka tirsan Al-shabaab, sida lagusheegay warsaxaafadeedka kasoo baxay sarkaal sare oo u hadlay dowladda oo xusay in lagu dilay sedex horjooge.
Fu’aad Maxamed Qalaf oo ahaa madaxii dacwadda Al-shabaab ayaa isaga iyo labada horjooge waxaa lagu dilay duqeymo loo adeegday diyaarado, kadib howlgallo ay qaadeen ciidanka cirka Itoobiya, waxaana horey dowladda Mareykanku madaxii dul dhigtay 5 Million o Dollar, waxaana uu kamid ahaa hoggaamiyeyaashii sida weyn loo doondoonayay muddooyinkii dambe.
Sarkaal sare oo lagu macaabo Janaraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in la la dilay 3 horjooge oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Alshabab sida uu hadalka u dhigay iyo 3 kale oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab. sida lagu xusay qoraal ay baahisay wakaaladda wararka ee Ethiopian News Agency, waxaana qoraalka sidoo kale lagu xusay magacyada ragga la dilay.




From the comments