Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u kuur galayay xaaladda dadka barakacayaasha ah eek u sugan Magaalada Muqdisho ayaa Carruur aad u fara badan oo ay heyso nafaqo darro bad’an, ayaa ku jira Isbitaalka Martiini, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka.
Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ( Jalaaludiin), ayaa uga warbixiyay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda Carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay Abaaraha ka jira dalka, waxa uuna sidoo kale sheegay in aad loogu baahan yahay in si degdeg ah arrintaan wax looga qabto.
Dadka abaarta ka soo barakacay, ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruufo xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya u badkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada iyo kuwa kale ee caruurtu ay u nugul yihiin oo soo ridtay..









Goobjoog News

From the comments