Deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa ciidamada Puntland iyo Somaliland, waxaana saacadihii lasoo dhaafay deegaanka laga dareemaayay xaalad kacsanaan ah, kadib markii ciidamo Puntland ay leedahay lasoo dhigay duleedka deegaanka ka tirsan Sool, waxaana laga helayaa warar kale duwan.
Wasiirka duulista hawada maamulka Puntland Ilyaas Dhagatuur Gabiley ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliland gaar ahaan Milatariga oo wata gaadiidka dagaalka oo gaaraya 45 gaadiid ay duuulaan kusoo qaadeen deegaanka Boocame, waxaana uu xusay in ciidanka uu la socday guddoomiyaha gobolka Sool ugu magacaaban Somaliland.
“Waxan ku sugnaa ilaa shaley Degmada Boocame, waxaan rabaa in aan la wadaago Shacab iyo Dawlada PUtland iyo Umada Somaliyeed ba in maanta ay duulan ciidan ku Soo qaadeen Ciidanka Somaliland magalada Bocame yagoo wata 45 tigniko ah, aynu weheliyaan ninka sheegta Gudomiyaha Gobolka Sool ee Somalind iyo saraakiil ciidan iyo dadkaloo weheliya oo Ka Soo raacey Laascaanood” ayuu yiri Wasiirka.




From the comments