Maraykanka oo 127 Milion oo Dollar Ugu Deeqay Abaaraha Ka jira Qaaradda Afrika
Sarkaal sare oo ka tirsan Dawladda Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimi cuntada adduunka uu saameeyey dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, iyada oo sare u kaca qiimaha cuntada uu sababay duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, taas oo keentay in sare u kac baahsan laga dareemo cuntada shidaalka caalamka, waxaana ugu darsamay aabaar baahsan oo ku dhufatay qaaradda.
“Qiimaha cunnada ee dunidu wuxuu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare u kacaasi wuxuu si xun ugu dhuftay ama looga dareemay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana qiimaha cuntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%” ayay tiri danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Ghana.