Ciidamada Ilaalada xeebaha Turkiga ayaa soo badbaadiyay muhaajiriin ay ciidamada Gariigga dalkooda ka soo celiyeen, xilli ay dhuumasho ku galayeen.
Inta la xaqiijiyay 8 qof oo muhaajiriin ah ayay badda ka soo badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga, halka ay soo bixiyeen maydka laba qof.
Dadka la soo badbaadiyay ayaa ahaa kuwa ay soo katiinadeeyeen ciidamada gariigga sidoo kalena ay badda ku soo tuureen, sida ay sheegeen ciidamada badda Turkiga muhaajiriintaan ma aysan wadan jaakadaha badbaada.




From the comments