Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dibadbaxyadii rabshada watay ee ka kala dhacay magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka shacabka ah iyo tiro ka tirsan ciidanka ayaa eed dusha kaga tuuray xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADANI oo iclaamiyay iskusoo baxa.
Madaxweyne Biixi ayaa u jeedka Banaanbaxa loo sameeyay waxaa uu ku tilmaaamay in xisbiyada in ay jirto wax u qarsoon, isaga oo xusay in ay diidan yihiin in lagu tartamo doorashada, oo ay qeyb ka noqdaan urur siyaasadeedyada la diiwaan galiyey, sida uu hadalka uu u dhigay , waxaana ay horay ugu guul dareysteen sedexda xisbi Jiheynta doorashada soo aadan
“xisbiyada UCID iyo WADDANI waxa u qarsoon oo aanay dadka u sheegayn oo ay dagaalka iyo fidmada u gelinayaan, yeynaan la tartamin ururrada immika la diiwaangeliyey oo sharci ah oo weliba labada nin ee WADDANI isku wareejiyey markii ay xilka hayeen iyagu ahaa kuwii abaabulay ee sharcigaa saxeexay.” ayuu ku yiri qeyb kamid ah hadalkiisa Biixi.




From the comments