Guddoomiye Aadan Madoobe oo Ka Hadlay Mudaharaadyadii Somaliland Ka Dhacay
Guddoomiyahay golaha shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dhankiisa waxaa uu baaq u diray hoggaanka Somaliland, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay in ay xaaladda dejiyaan oo liiska wadahadalka la isugu yimaado, isaga oo muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatadii ka dhalatay Bannaabaxyadii rabshada watay ee dhacaky
“Waxaan ka xumahay dhibaatadii ka dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo kamid ah magaalooyinka Somaliland ee sababtay dhibaatada soo gaartay dadka shacabka ah. Waxaan u tacsiyeynayaa ehellada dadkii ku geeriyooday, dadka ku dhaawacmay waxaan Allah SWT uga baryayaa inuu siiyo caafimaad sariic ah” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe.
“Masuuliyiinta Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay xaaladda dejiyaan dib na ugu laabtaan miiska wada hadalka kana digtoonaadaan wax kasta oo nabadda iyo degenaashiyaha wax u dhimi kara, garowsadaanna inaan xal lagu gaarayn colaad iyo dagaal midna” ayuu kusii daray hadalkiisa guddoomiyaha golaha shacabka.
Guddoomiyaha ayaa gabagabadii hadalkiisa waxaa uu ku sheegay in loo baahan yahay in dhaqanka iyo waxgaradka ay ku dadaalaan sidii loo ilaalin lahaa nabadda iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, taas oo uu sheegay in muddo dheer lasoo unkayay, waxaana uu xusay in laga baaqsado dagaalka iyo rabsho dambe in ay ka dhacaan oo wadahadal lagu xaliyo.