Madaxweyne Trump Gurigiisa oo FBI-du Ka Heshay Dokumentiyo Sir ah
Hay’adda FBI-da Maraykanka ayaa ka heshay guriga madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump, dokumentiyo lagu calaamadiyey inay yihiin “Sir Qaran” oo loo ogol yahay inay arki karaan oo keliya dad koobani, sida ku xusan qoraalkii ogolaanshaha ahaa ee lagu baadhay guriga madaxweynihii hore oo uu baahiyey garsoorihii amarkaas saxeexay.
Qoraalka ka soo baxay maxkamadda ayaa muujinaya in saraakiisha FBI-du inay ka soo heleen guriga madaxweyne Trump, illaa 11 diiwaan oo ah macluumaad sir ah oo aan loo ogolayn inay dad koobani arki karaan, sida ku cad waraaqda diiwaanka ee ay maxkamadda u gudbiyeen saraakiisha FBI-du ka dib markii ay baadhista dhameeyeen.
Saraakiisha FBI-da ayaa marka hore waxay maxkamadda ka codsadaan ogolaansho ah, inay baadhis samayn karaan, ka dib marka ay baadhista sameeyaanna waxay maxkamadda la wadaagaan macluumaadkii ay ka soo qaadeen goobta ay baadheen, si ay u caddeeyaan wixii ay ka heleen goobta baadhista.
Diiwaanada sirta ah ee laga helay guriga madaxweynihii hore ee Trump ayay ku jiraan, kuwo ku diiwaangashan inay yihiin “sir” iyo kuwo ku calaamadsan inay yihiin “Sir Qaran” ama “Top Secret”. Maxkamaddu ma bixinin faahfaahin intaas ka badan oo la xidhiidha nooca macluumaadka ku jira diiwaanka sirta ah ee laga soo qaaday guriga madaxweynaha hore.
Madaxweyne Trump oo bayaan soo saaray Jimcihii maanta ayaa sheegay in dhammaan macluumaadka laga qaatay gurigiisa inay ahaayeen kuwo laga saaray sir ahaanshaha “Declasiffied” oo la shaacin karo, wuxuuna sheegay inuu dukumentiyada u wareejin lahaa Waaxda Caddaaladda haddii la weydiiyo.
Madaxweynaha xilka haya oo keliya ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaadho in la faafin karo macluumaad marka hore lagu calaamadiyey inay sir yihiin, hase ahaatee madaxweynuhu marka uu xilka ka dego awoodaas malaha. Trump ayaa markii uu xilka ka degey, wuxuu hore u sii qaatay dukumentiyo badan oo sir ah, oo aan la ogolayn in debedda loo saaro.
Goobjoog News